Hoggaamiyihii ugu horreeyey ee ka socda dal Carbeed oo la kulmi doona Donald Trump.

Boqorka dalka Urdun, C/llaahi Bin Xuseen Bin Talaal ayaa la filayaa inuu maalinta Isniinta booqasho uga bilaabanto dalka Maraykanka, isagoo la kulmi doona Madaxweynaha dalkaasi.

Boqorka Urdun ayaa noqon doona Hoggaamiyihii Carbeed ee Wada-hadal la qaata Maamulka cusub ee Madaxweyne Donald Trump, waxayna booqashadiisa ku soo beegantay iyadoo uu Donald Trump saxiixay amar lagu xairayo Qaxootiga iyo dadka ka imaanayo dalalka Somalia, Sudan, Yemen, Iran, Iraq iyo Libya.

Dhinaca kale, Boqorka dalka Urdun, C/llaahi Bin Xuseen Bin Talaal waxa uu isbuucan booqday  dalka Raashiya, isagoo Madaxweyne Valadamir Putin ka wada hadleen xiriirka labada Waddan iyo Xiisadaha ka taagan dalalka Syria iyo Iraq.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media