Hoggaamiye Maleeshiyo hubeysan oo lagu dilay dalka Liibiya

Saraakiisha Ammaanka ee dalka Liibiya ayaa waxaa ay sheegeen inay dileen Hoggaamiyahaasi oo lagu magacaabi jirey Maxamed Al-Kani, kaasi oo ay Dowladda Maraykanka horey ugu soo rogtay Cunaqabatayn.

Milliteriga Libiya waxay sheegeen in Ninkaasi lagu dilay Iska-horimaad ka dhacay magaalladda Banqaasi ee Bariga dalkaasi, xilli la doonayey in la soo qabto.

Hoggaamiye Maleeshiyaadka la dilay waxaa lagu eedeynayaa inuu mas’uul ka ahaa dhimashada dad laga helay Qabuuro-wadareed ku yaalla Degmadda Tarhuna oo 65 KM dhanka K/Bari kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Tripoli.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor