Hoggaamiye Koox maleeshiyo Qarxisay Markas Islaami ah oo la xukumay

Hoggaamiyahaasi oo lagu magacaabo Emily Claire Haris oo 50 jir ah ayaa shalay lagu xukumay 53 sano, kaalintii uu ku lahaa Qarixii loo geystay Masjidka Daar Al Farouk Islamic Center oo ku yaalla Deegaanka Bloomington ee duleedka magaalladda Minneapolis ee Gobalka Minnesota ee dalka Maraykanka.

Emily Claire Hari oo 50 jir ah waxa lagu helay inuu Qarax la beegsaday Masjidka xilli la tukanyey Salaadda Subax taariikhdu markii ay ahayd bishii Janaayo ee sanadkii 2017-kii, inkastoo aysan cidna wax ku noqonin Qaraxaasi.

Eedeysanaha oo loo yaqaano Michael Hari,  ayaa horey Xabsi Daa’in loogu xukumay bishii August 5-dii ee sanadkii 2017-kii Qarixii loo geystay Markazka Al-Farooq Islamic Centre ee ku yaalla Degmadda Bloomington ee Gobalka Minnesota, sidaa waxa lagu shaaciyey Hadal-qoraal oo ka soo baxay Waaxda Caddaalada ee Maraykanka.

Boliska Dembi- baarista Federalka Maraykanka ee FBI waxay Eedeysanaha iyo labo qof oo la socotay gacanta ku dhigeen bishii March ee sanadkii 2018-kii.

Labada Eedeysane kale oo lagu kala magacaabo Michael McWhorter iyo Joe Morris ayaa waxaa  si wadajir ah u qirteen inay ku lug lahaayeen Qarixii Markzka Islaamiga ee Dar Al-farouq loo geystay bishii Janaayo ee sanadkii 2017-kii.

Dacwad-Oogayaasha ayaa horey u iclaamiyeen inuu Michael Hari yahay Hoggaamiyaha Koox Maleeshiyo oo lagu magacaabo Bakaylayaasha Cadcad “The White Rabbits” waxay gaari u soo kireysteen si ay u fuliyaan Qaraxaasi.

W/Q: Ustaad Nuuradiin 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor