Hoggaamiye ka tirsanaa Daacish oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Syria.

Saraakiil Maraykan ayaa sheegay in Abu Cumar Alshishaani  lagu dilay duqeyn bishan Maarso 4-dii ka dhacday Degmadda Alshadaadi ee dalka Syria.

Hoggaamiyahaasi oo ka soo jeeda dalka Joorjiya ayaa waxay Maraykanka horey madaxiisa u dul dhigeen Abaalmarin Lacageed oo dhan 5 million oo Dollar.

Abu Cumar Shishaani oo magaciisa rasmiga yahay Tarkhaan Tayumurasovij Batirashvili waxa uu sannadkii 1986-dii ku dhashay dalka Joorjiya wuxuuna La-taliyaha dhinaca Milliteriga u ahaa Hoggaamiyaha Daacish, Abu Bakar Albaqdaadi, wuxuuna ka tirsanaa Golaha Shuuradda ee Daacish.

ABU OMAR 2

 

Senior Islamic State leader, Abu Omar al-Shishani, also known as Omar the Chechen.    REUTERS/US. Department of State

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor