Hoggaamiye ka tirsan Kooxda Abu Sayaaf oo lagu dilay Filibiin.

Taliyaha Milliteriga ee dalkaasi, Jeneral Edwardo Ano ayaa sheegay inay Ciiddankiisa dileen Taliye muhiim u ahaa Kooxdaasi, oo lagu magacaabi jirey Mucamar Askali, laguna naanaysi jirey Abu Raami, kaasi  lagu dilay dagaal shalay ka dhacay Jesiiradda Bohol oo qiyaastii 640-KM dhanka K/bari kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Manila.

Abu Raami waxaa lagu eedeynayaa inuu surka ka jaray La-haystayaal u kala dhashay dalalka Kanada iyo Jarmalka, waxayna haatan gacanta ku hayaan ugu yaraan 29 La-haystayaal shisheeye ah.

Iska horimaadkii shalay ka dhacay Bartamaha Filibiin waxaa kaloo lagu dilay 5 ka tirsan Kooxda Abu Sayaaf iyo 5 ka tirsan Ciiddanka dalkaasi.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media