Hoggaamiye Gacan-yare u ahaa Usaama Bin Laadin oo la qabtay.

Sarkaal Sare oo Milliteri ayaa u sheegay Telefishinka Al-arabiya English inay Ciiddanku shalay qabteen Abu Sufyaan Bin Qumu oo ka mid ahaa Saraakiisha Ururka Al-qaacida, ahaana Dareewalka Khaaska ee Hoghaamiyihii geeriyooday ee Ururkaasi, Usaama Bin Laadin.

Bin Qumu ayaa la shegay in lagu qabtay Hawlgal ka dhacay magaalladda DERNA oo ay ku xooggan yihiin Kooxaha Xag-jirka ka dagaalanta gudaha Libya.

Abu Sufyaan Bin Qumu oo 59-jir ah waxa loo aqoonsan yahay mid ka mid ah Hoggaamiyayaasha ugu caansan Ururka Al-qaacida, wuxuuna haatan madax ka ahaa Maleeshiyadda Kooxda Ansaar Al-shareeca ee ka dagaalanta Libya, wuxuuna ka mid ahaa Maxaabiistii Al-qaacida ee laga sii daayey Xabsiga Guwatanaamo Bay sannadkii 2007-dii.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media