Hoggaamiye gacan saar la leh Alshabaab iyo kooxo ku kacsan Dowladda Uganda oo lagu qbatay Tanzania

Maamulayaasha dalka Uganda ayaa maanta sheegay inay baarayaan in nin lagu qabtay dalka Tanzania yahay Hoggaamiye lagu magacaabo Jamiil Mukulu oo lagu eedeynayo inuu mas’uul ka ahaa weeraro dhimasho dhaliyey oo ka dhacag  Galbeedka dalka Uganda iyo Bariga dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo.

Afhayeenka Boliska Uganda, Fred Enanga ayaa sheegay inuu hoggaamiyahaasi isbahaysi la leeyahay Xarakadda Alshabaab Somalia iyo Isbahaysiga Ciiddanka Dimuqraadiyadda Uganda ee A.D.F.

Afhayeenka oo maanta la hadlay Wakaalladda Wararka ee REUTERS  ayaa sheegay inay helaan Warbixin shegaysa in ay Boliska Tanzania dhowr maalmood ka hor xireen Lamaanayaal lala xiriirinayo Argagixisadda.

Waxa uu intaasi ku daray inay Boliska Tanzania u gudbiyaan Sawirka  Hoggaamiyahaasi Jamiil Mukulu ee lagu qabtay dalkaasi, balse waxa uu ka gaabsaday inuu xaqiijiyo in Hoggaamiyaha la qabtay Jamiil Mukulu.

Ilo ka tirsan Milliteriga Uganda ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee REUTERS in ninka lagu qabtay Tanzania yahay Jamiil Mukulu.

QM waxay Hoggaamiyahaasi ku soo rogeen xayiraad sannadkii 2011-kii, iyadoo Isbahaysiga ADF lagu daray Liiska Cunaqabataynta QM sannadkii hore ee 2014-kii.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor