Hoggaamiyayaasha Ururka Midowga Europe oo Kulan Khaas ah ka yeelanayo Tahriibayaasha ku le’anayo Baddaha

Madaxweynaha Ururka EU-da, Donald Tusk ayaa sheegay inay Hoggaamiyayaasha 28-ka Waddan ee xubnaha ka ah EU-da ay maalinta Khamiista Shir Degdeg ah ku yeelan doonaan Xarunta dhexe ee Ururkaasi oo ku taalla caasimadda dalka Bewlgium ee Brusseles.

Donald Tusk ayaa hadalkaasi ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitterka, wuxuuna baaqiisa soo baxay hal maalin kadib, markii uu Ra’isul-wasaaraha Talyaaniga, Matiyo Renzi ku baaqay Shir noocaasi ah.

Ra’isul-wasarayaasha dalka Spain iyo Britain , Mariyaano Rajoioy iyo David Kamiruun ayaa iyagana taageeray Shirka Degdegga ah ee ay Hoggaamiyayaasha EU-da ka yeelanayaan Xaalladda Tahriibayaasha.

Kulankaasi ayaa lagu lafaguri doonaan Dhibaatadda Tahriibayaasha ku soo qulqulayo Europe, iyadoo ay dhawaan in ka badan 700 oo Thariibayaal ah ay ku maashoobeen Badda u dhexeysa Talyaaniga iyo Libya.

Tahriibayaal Soomaali ah ayaa ka mid ah dadka ku geeriyooday masiibadaasi.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor