Hoggaamiyayaasha Urur-gobaleedka EAC oo laalay codsigii xubinnimadda ee Somalia.

Hoggaamiyayaasha Dowladaha Uganda, Kenya, Tanzania iyo Ruwanda ayaa waxay shalay Kulan-sannadeedkooda ku yeesheen magaalladda Caruusha ee Waqooyiga dalka Tanzania, iyagoo ka wada arrinsanayey Ajendayaal muhiim ahaa.

Hoggaamiyayaashaasi waxay ka gaabsadeen inay Nalka Cagaaran u shidaan sidii ay Somalia uga mid noqon lahayd Urur-gobaleedka East Afria Community.

Codsiga Somalia waxa uu muddo 3 sanno ah yiillay Xoghaynta Urur-gobaleedkaasi.

Ilo ku dhowdhow Shirkaasi ayaa waxay sheegeen inay Hoggaamiyayaasha EAC weli doonayaan inay qiimeeyaan haddii ay Somalia ku soo biiri karto Ururkaasi iyo in kale.

Dhinaca kale, Hoggaamiyayaashaasi waxay shalay u codeeyeen inay Koonfurta Sudan ku soo biiraan Ururkaasi oo ay xubno ka yihiin dalalka Uganda, Tanzania, Kenya, Ruwanad iyo Burundi.

Waddanka Koonfurta Sudan waxay Madax-bannaani heleen sannadkii 2011-kii, waxaana dalkaasi halakeeyey dagaallo sokeeye oo siyaasadeysan, inkastoo haatan xal laga gaaray.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor