Hoggaamiyayaasha Siyaasadda oo loo qabtay maalmo kooban si ay u go’aamiyaan Nidaamka Doorashadda.

Hoggaamiyayaasha Soomaalida oo loogu baaqay inay si degdeg ah isugu waafaqaan Nidaamka Doorashadda ee Somalia

Hadal Qoraal ah oo ka soo baxay Dowladaha Caalamka ee daneeya Arrimaha Somalia ayaa waxay si wadajir ah ugu baaqeen Madaxda Somalia inay go’aan ka gaaraan Nidaamka Doorashadda soo socota, ka hor bishan Janaayo 28-da, xilligaasi oo ay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM Kulan ka yeelan doonaan Arrimaha Somalia.

Qoraal ka soo baxay Dowladaha taageera Geeddi-socodka Somalia ayaa lagu sheegay inay  QM, IGAD, Midowga Europe “EU”, Maraykanka, Britain, Sweden iyo Talyaaniga ka rajeynayaan Hoggaamiyaayasha Soomaalida inay maalmaha soo socda isku waafaqaan Nidaamka Doorashadda ee dhici doonta dabayaaqadda sannadkan, Qorshaha Fulinta iyo Tubta Khariidada Siyaasadda ee sanadaha 2016 ilaa 2020-ka, sida ay Hoggaamiyayaasha horey ugu shaaciyeen War-murtiyeedkii laga soo saaray Shirkii Golaha Wada-Tashiga Qaranka ee bishii December 15-dii lagu soo gebagebeeyey magaalladda Muqdisho.

Qoraalka xubnaha Beesha Caalamka oo ay ku jiraan Ururka Midowga Afrika waxay soo dhaweeyeen Wada-xaajoodkii Kismaayo iyo qorshaha qabyadda ee  Aragtida Hoggaamiyayaasha Soomaalida ee Nidaamka Doorashadda ee sannadka 2016-ka.

Waxaa loogu baaqay Hoggaamiyayaasha inay si degdeg ah isugu tanaasulaan, isla markaana ay ugu dambayn bishan Janaayo 28-da soo saaraan Xal-mideysan oo ku aadan Nidaamka Doorashadda.

Qoraalka Beesha Caalamka waxay hoosta ka xariiqeen in Shir ay la yeesheen Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Barlamaanka Federalka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” la isla gartay inuu Waqtigu gabaabsi yahay, isla markaana aan jiraan waxyaabo badan oo weli harsan oo ku aadan hubaal-gelinta Nidaamka Doorashadda.

Bayaanka waxaa kaloo lagu xusay in Hoggaamiyayaasha Soomaalida laga rajeynayo inay maalmaha soo socda soo gebagebeeyaan Nidaamka Doorashadda, waxaana loogu baaqay in isku tanaasulaan si loo gaaro Heshiis ka hor bishan Janaayo 28-da.

Dhinaca kale, Golaha Ammaanka ee QM waxay bishan Janaayo 28-da La-tashi ka yeelan doonaan Arrimaha Somalia, gaar ahaan Nidaamka Doorashadda iyo Tubta Siyaasadda Somalia ee Afarta sanno ee soo socota.

Sidoo kale, Hoggaamiyayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Ururka Midowga Afrika ayaa lagu wadaa inay Kulan ka yeeshaan Arrimaha Somalia dhowr maalmood kadib Shirka Golaha Ammaanka ee QM.

Xigasho:- unsom

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor