Hoggaamiyayaasha Dowladaha IGAD oo Shirweyne uga furmi doono Muqdisho.

Madaxweynayaasha dalalka Somalia, Kenya, Jabuuti, Sudan, Uganda, Koonfurta Sudan iyo Ra’isul-wasaaraha Ethiopia ayaa la filayaa inay bishan September 10-da Shirweyne ku yeeshaan magaalladda Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Maalgashiga Somalia, Mudane Cabdisalaam Cumar Hadliye oo shalay Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa tilmaaay in Kulankaasi looga hadli doono Taageeradda IGAD ee ku aadan Hormarka iyo Nabadda dalka.

WASIIR HADLIYEWasiirka waxa uu tilmaamay in arrin lagu farxo tahay inay Somalia marti geliso Shirweynaha Hoggaamiyayaasha Dowladaha IGAD, wuxuuna xusay in Kulan noocaasi ugu dambeysay in lagu qabto magaalladda Muqdisho muddo haatan laga joogo 30 sanno.

Sannadkii hore, Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Dowladaha ku bahoobay Urur-gobaleedka IGAD waxay kulan ku yeesheen magaalladda Muqdisho, kaasi oo ay ku iclaamiyeen Shir Madaxeedka IGAD ee la filayo inuu dhawaan ka furmo Muqdisho.

FLAGS

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media