Hoggaamiyayaasha dalalka Afrika oo go’aan ka dambays ah ka gaari doona La-dagaalanka Alshabaab iyo Boko Haram

Ku-xigeenka Madaxa Golaha Wakiilladda Joogtadda ee Ururka Midowga Afrika, Erastus Mwencha ayaa sheegay in Shirweynaha 25aad ee Madaxda Afrika looga hadli doono Horumarinta Dhaqaalaha Afrika, Horumarinta Adeegyadda Bulshadda, Nabadda, Ammaanka iyo La-dagaalanka Saboolnimadda.

Isagoo ka hadlay Shirka sannadlaha ee AU-da uga furmay caasimadda dalka Koonfurta Afrika ee Pritoria waxa uu tilmaamay in Shirweynaha Madaxad Afrika ee soo socda  diiradda lagu saari doono kororka weeraradda ay Kooxaha Alshabaab ka geystaan dalalka Somalia, Kenya iyo weeraradda ay Boko Haram ka fuliyaan dalka Nigeria.

“Waxaan haatan na soo wajahay Xag-jirnimo iyo Argagixiso” ayuu yiri Mas’uulkaasi oo ay Wakaalladda Wararka Shiinaha ee XINHUA soo xigatay.

Madaxweynayaasha Dowladaha Afrika, ayaa la filayaa inay Shirweynahooda caadiga ee 25-aad uga furmo bishan June 14-da Xarunta dhexe ee Ururka AU-da oo ku taalla caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.

© Warqabadka Dalsan Radio

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor