Hoggaamiyayaasha Caalamka oo si kulul u naqdiyey Go’aankii Donald Trump ee Heshiiskii Nukliyeerka Iiraan

Madaxwqeyne Donald Trump waxa uu go’aansaday inay Maraykanka isaga baxaan Heshiiska ay Dowladaha badan la galeen dalka Iitaan sannadkii 2015-kii, kaasi oo is-faham looga gaaray Barnaamijka Nukliyeerka Iiraan.

Heshiiskaasi waxaa si wadajir ah magaalladda Vienna ee dalka Austria ugu saxiixay Dowladaha Maraykanka, Britain, Raashiya, Shiinaha, Jarmalka, Faransiiska iyo Midowga Europe oo dhinac ah iyo Iiraan oo lagu cadaadiyey inay joojiyan Bacriminta Yuraaniyamka laga farsameeyo Hubka Nukliyeerka.

Madaxweyne Donald Trump ayaa ka hor yimid Heshiiskaasi, isagoo sheegay inay isaga baxeen Heshiiskaasi, wuxuuna Iiraan ku soo rogay Cunaqabatayntii ugu sarreysay

Madaxweynaha dalka Iran, Xasan Ruuxaani ayaa si kulul u cambaareeyey Go’aanka Donald Trump, balse waxa uu tilmaamay inay Dowladiisa ka go’an thaay Taabagelinta Heshiiskii ay la gaareen Quwadaha Caalamka.

Xasan Ruuxaani oo hadlay wax yar kadib, Khudbadii uu Donald Trump jeediyey waxa uu tilmaamay inaan la aqbali Karin Go’aankaasi, isla markaana ay  xiriir la samayn doonaan Dowladaha kale ee wax ka saxiixay Heshiiska, si loo xoojiyo Dhaqan-galka Heshiiskaasi.

Madaxweynaha Iiraan waxa uu sheegay haddii ay dalalka kale ka baxaan Heshiiska inay Dowladiisa dib u bilaabi doonto Barnaamijkeeda Nukliyeerka.

Hoggaamiyayaal kale oo ay ku jiraan Dowladihii saxiixay Heshiiska Nukliyeerka Iiraan ayaa si kulul u naqdiyey Go’aanka Trump.

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanwel Makroon waxa uu Bartiisa Twitter-ka soo dhigay inay Faransiiska, Jarmalka iyo Britan ka wada xun yihiin Go’aankii Donald Trump ku sheegay inay kaga baxeen Heshiiska Barnaamijka Nukliyeerka Iiraan.

“Heshiiskii lagu mamnuucayey Faafista Hubka waxa uu ku jiraa Khatar” ayu uyiri Madaxweynaha Faransiiska, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay ka wada shaqeyn doonaan sidii loo ballaarin lahaa Jadwalka Shaqo ee Dhaqdhaqaaqa Nukliyeerka, Deganaanshaha Bariga Dhexe. Gaar ahaan dalalka Syria, Iraq iyo Yemen.

Madaxa Sare ee Ururka EU-da ugu qaabilsan Arrimaha Siyaasadda iyo Nabadda, Federica Mogherini waxay ugu baaqday Beesha Caalamka in la badbaadiyo Heshiiska Nukliyeerka Iiraan.

Iyadoo ku sugan Xarunta EU-da ee magaalladda  Brussels ayey sheegtay inay Dowladaha EU-da ka go’an tahay  in si buuxda loo dhowro Heshiiskaasi iyo 10-kii Warbixin ee ay Hay’adda Atoomikada Caalamiga ee IAEA ku caddeeyeen inay Dowladda Iiraan si buuxda u joojisay Barnaamijkeeda Nukliyerka

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Britain, Boris Johnson oo dhawaan booqday magaalladda Washington waxa uu Twitter-kiisa ku qoray inay aad uga xun yihiin Go’aanka uu Donald Trump kaga baxay Heshiiskii Iitaan.

Wuxuuna intaasi ku daray inay Britain si xooggan daacad ugu tsahay Heshiiskaasi, isla markaana ay la shaqeyn doonaan dalalka kale ee qeybta ah Heshiiskaasi.

Dowladda Taashiya ayaa ka mid ah Dowladaha sida kulul u naqdiyey Go’aankii Donald Trump, waxayna sheegtay inaan Go’aankaasi laga argagixin.

Ku-xigeenka Danjiraha Raashiya u jooga QM, Dmitry Polyansky waxa uu tilmamaay inuusan La-yaab lahayn Go’aanka Trump ee Heshiiskii Iiraan.

Nar wax laga weydiiyeyhaddii ay Dowladda Raashiya ku baaqi doono Kulan ay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ka yeeshaan Go’aanka Maraykanka, waxa uu xusay inay miiska saaran yihiin dhamaan Tallaabooyinki ila qaadi lahaa.

Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka, Barack Obama oo uu Maamulkiisii saxiixay heshiiskii Nukliyeerka Iiraan ayaa sheegay inuusan caqli-gal ahayn Go’aanka Donald Trump.

Madaxweyne Obama waxa uu  tilmaamay inay iska caddahay Xaqiiqda, isla markaana uu shaqeynayo Heshiiskaasi,wuxuuna xusay  in Go’aanka Trump qalad weyn yahay.

Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres ayaa soo saaray qoraal uu ku muujiyey inu uka xun yahay Go’aankii Donald Trump.

Antonio Guterres waxa uu ku booriyey dalalka kale ee qeybta ka ah Heshiiska Iiraan inay daacad ka noqdaan Heshiiskaasi.

Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Dayib Erdogan waxa uu ka digay inuu Go’aanka Donald Trump sababi karto Deganaansho La’aan iyo Dagaalo cusub.

Afhayeenka Madaxweynaha Turkiga oo lagu magacaabo Ibraahim Kaalin waxa uu sheegay inay Turkiga ka soo horjeedaan dhamaan Hubka Nukliyerka, kuna baaqay inay dalalka kale sii wadoan  Heshiiska Iiraan.

Dhinaca kale, Dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Baxrayn iyo Yuhuudda ayaa ka mid ah dalalka fara-ku-tiriska ah ee taageeray Go’aankii Donald Trump.

Hadal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Sacuudiga  ayaa lagu sheegay inay taageersan yihiin, soona dhaweynayaan Go’aankii Donald Trump ee ay maraykanka kaga baxeen Heshiiskii Iiraan iyo in lagu  soo rogo Cunaqabatayn Adag.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media