Hoggaamiyayaasha Alshabaab oo taageeray inay ka baxaan Ururka Alqaacida, ku biiraan Kooxda Daacish

Wargeyska The Daily Mail ee ka soo baxa magaalladda London ayaa qoray inay Hoggaamiyayaasha Sarsare ee Alshabaab shir qarsoodi ah ku yeesheen gudaha Somalia, isla markaana u codeeyeen inay ka mid noqdaan Isbahaysiga Dowladda Islaamiga ee Daacish.

Taliye ka tirsan Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa u sheegay Wargeyska The Daily Mail inay Saraakiisha sarsare ee Alshabaab inay bilowgii Toddobaadkan kulan qarsoodi ah ku yeesheen Gobalka J/dhexe oo 200 miles u jirta magaalladda Muqdisho.

Taliyahaasi oo aan magaciisa la shaacinin ayaa sheegay inay weli socdaan dadaalo lagu doonayo in Go’aanka Kama-damabaynta lagu gaaro Toddobaadyadda ama bilaha soo socda, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay Hoggaamiyayaasha wada saaran yihiin hal dooni.

“Ma doonayo inaan ka hadlo sababaha ay Alshabaab u doonayaan inay isaga baxaan, kuna jaraan xiriirkii ay la lahaayeen Ururka Alqaacida iyo Hoggaamiyahooda, Ayman Al-zawaahiri” ayuu yiri Sarkaalkaas u hadlay Alshabaab.

Tallaabadaasi ayaa timid, iyadoo ay Hoggaamiyayaasha Daacish ay bishii March ee sannadkan soo bandhigeen Muuqaal Video oo ay Dagaalamayaasha Alshabaab ugu baaqeen inay ku soo biiraan Kooxaha Islaamiyiinta ee la bahoobay Kooxda Daacish ee dagaalladda kaa wada dalalka Syria iyo Iraq.

Video-gaasi oo muddo 6 daqiiqo ahaa ayaa waxa lagu booriyey Dagaalamayaasha Alshabaab inay kordhiyaan Hawlgalladda Jihaadka ee ay ka wadaan  dalalka Kenya, Ethiopia iyo Tanzania.

Go’aanka ay Hoggaamiyayaasha Alshabaab ugu codeeyeen inay ku biiraan Kooxda Daacish ayaa horseedayso inay isaga baxeen Ururka Alqaacida loo aqoonsado Dowladda Islaamiga ee Bariga Afrika.

Dhinaca kale, Hoggaamiyayaasha Alshabaab ayaa horey ugu kala qeybsanaa inay ku biiraan Dhaqdhaqaaqyadda Jihaad-doonka ee Caalamka, iyadoo ay inta badan doonayeen inay ku koobnaan Jihaadkooda Geeska Afrika oo keliya.

alshabab 1 isis alshabab 3

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor