Hoggaamiyaha Taalibaan oo soo saaray Amar ka dhan ah Koox daba-dhilifyo ah

Hoggaamiyaha sare ee Taalibaan ayaa ka digay halista wax uu ugu yeeray daba-dhilifyada iyo jaajuusiinta ku dhex jira kooxdaas dhowaan qabsatay dalka Afghanistan.

Iyada oo ay caddeyn u tahay heerka ay gaarsiisan tahay halistan, ayaa Haibatullah Akhundzada waxa uu soo saaray bayaan qoran oo nadir ah, wuxuuna taliyayaasha Taalibaan siiyey amar ah inay sifeeyaan talisyadooda.

Waxa uu yiri “dhammaan odayaasha kooxda waa inay eegaan talisyadooda oo ay arkaan haddii ay jiraan kuwa aan la garaneyn oo ka shaqeynaya wax ka dhan ah rabitaanka dowladda, kadibna sida ugu dhaqsaha badan lagu cirib-tiraa.”

Taalibaan ayaa tan iyo markii ay dalka dib u qabsatay bishii August, waxay kooxda kusoo dartay xubno dhowr ah oo isugu jiray mucaarad iyo dowladdii hore. Waxay hadda wajaheysaa weeraro dhowr ah oo kaga imanaya kooxda Daacish ee Khorosan.

Talaadadii, ugu yaraan 19 qof oo uu ku jira taliye ka tirsanaa Taalibaan ayaa lagu dilay weerar isugu jiray qarax iyo rasaas, oo ay sheegatay Daacish, kaasi oo ka dhacay isbital militari oo ku yaalla Kabul.

Taalibaan ayaa rumeysan inay jiraan shaqsiyaad ku dhex jira kooxda oo ka shaqeynaya wax ka dhan rabitaankeeda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor