Hoggaamiyaha Mucaaradka Burundi oo sheegay inay khatar ku jirto Noloshiisa.

Hoggaamiyahaasioo lagu magacaabo Agathon Rwasa  ayaa sheegay inuu u baqanayo Noloshiisa, wuxuuna ugu baaqay Dowladda in la dardar geliyo Wada-xaajoodka si loo soo af-jaro Xiisadda Siyaasadeed ee ka taagan dalkaasi.

Waxa uu intaasi ku daray inay xubno aan la aqoonin oo ka tirsan Boliska iyo Milliteriga doonayaan inay isaga khaarijiyaan.

Agathon Rwasa  waxa kale oo uu ku eedeeyey Dowladda inay dhibaataynayso Taageerayaasha Mucaaradka, gaar ahaan kuwa ka tirsan Xisbiga F.N.L.

Xiisadda Siyaasadeed iyo Deganaansho la’aanta ka jirta dalka Burundi ayaa bilaabantay sannadkii 2015-kii, kadib, markii uu Madaxweyne  Pierre Nkurunziza mar 3-aad loo doortay Xilkaasi.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media