Hoggaamiyaha Daacish oo la sheegay inuu u baxsaday dalka Libya.

Abu Bakar Albaqdaadi ayaa la sheegay inuu ku sugan yahay magaalladda Sirta ee dalka Libya, kadib, markii uu si dirqi leh kaga baxsaday duqeyn ay Diyaaradaha Dagaalka Iraq  kula beegsadeen gudaha dalka Iraq.

albaqdaadi 3Wakaalladda Wararka Iran ee FARS ayaa sheegtay in Hoggaamiyaha Daacish lagu daaweeyey Turkiga, kadib, markii ay bishii October ee sannadkan dhaawacyo ka soo gaareen duqeytaasi.

Abu Bakar Albaqdaadi ayaa u sii gudbay dalka Libya, si uu uga badbaado duqeymaha xooggan ee lagu hayo Syria.

Wakaalladda waxay ka soo xigatay Ilo ku sugan Libya inay sheegeen inuu qof kasta Albaqdaadi ka baadi-goobayo Iraq iyo Syria, balse ay jirin dad rumeysan kara inuu haatan ku sugan yahay magaalladda Sirta ee Lubya.

albaqdaadi 2

albaqdaadi4

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor