Hoggaamiyaha Alqaacida oo ku baaqay Dagaal ka dhan ah Madaxweynaha Syria.

Ayman Al-zawahari ayaa ugu baaqay Jihaadistayaasha Sunniyiinta inay Dagaal Jabhadayn ah ku qaadaan Madaxweyne Bashaar Alasad iyo Isbahaysiga Iiraaniyiinta.

Farriin Cod ah oo la soo dhigay Baraha Internetka ee Alqaacida waxa uu ugu baaqay Dagaalamayaasha inay u diyaar garoobaan Dagaal muddo dheer socda oo ay la galaan Isbahaysiga Reer Galbeedka ee ku sugn dalalka Iraq iyo Syria iyo Shiicadda Iiraaniyiinta taageeradda siinaya Madaxweynaha Syria, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Ayman Al-zawaahiri waxa uu  ku booriyey Dagaalamayaasha Alqaacida inay beegsadaan Caddowga iyo inay Xukunka Shareecadda Islaamka ku soo rogaan dalka Syria.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media