Hindiya oo walaac hor leh ka muujisay qabsashada Taalibaan ee Afghanistan

Hoggaamiyayaasha India ayaa si walaac leh u eegaya qabsashada Taalibaan ee, ayaga oo ka cabsi qaba inay u faa’iideyn karto Pakistan, islamarkaana hurin karto muqaawamonimada gobolka Kashmir ee lagu muransan yahay.

Jeneraal Deependra Singh Hooda, oo ah taliyihii hore ee militariga India ee waqooyiga intii u dhaxeysay 2014-2016, ayaa sheegay in kooxaha mintidiinta ah ee ku sugan xuduudda Pakistan “ay isku dayi doonaan inay dagaal-yahano dheeri ah kusoo riixaan” Kashmir, kadib qabsashadii Taalibaan ee Afghanistan.

Hooda ayaa sheegay inaan weli la saadaalin karin haddii qulqulka dagaal-yahanadaas ee Kashmir “ay tiri ahaan noqon karaan kuwa awooda inay abuuraan xasillooni darro,” islamarkaana horseedaan isku dhac militari.

Dalalka deriska ah ee India iyo Pakistan ayaa laba dagaal uu ku dhex-maray gobolka Kashmir oo ay kala maamulaan laba qeyb, balse ay labaduba si buuxda u sheegtaan.

Saraakiisha India ayaa ka welwelsan in Afghanistan oo ay xukumayaan Taalibaan ay noqon karto saldhig ay dagaal-yahanada Kashmir isku soo abaabulaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor