Hey’adda Qatar Charity Oo Caawin Doonta Dadkii Wax Ku Noqday Colaadii Sh/Dhexe

Hey’adda Qatar Charity ayaa waxaa ay dhawaan soomaaliya ka fulin doontaa, mashruuc dayactir loogu sameyo gobolka Shabeellaha Dhexe, taasoo ay ka faa’idi doonaa qiyaastii 93.000 qof.

Mashruuca waxa uu bixin doonaa taageero dadka ay saameeyeen daadadka, labadii sano ee la soo dhaafay, waxaana la filayaa in ay qaato mashruuca qiyaastii hal sano ah si uu u dhameystiro.

sidoo Hey’adda ayaa waxaa shegatay in mashruucaan ay filayaan in uu dhiiragalin xoogan uu unoqon doono dadka loogu talagalay eek u nool gobolka shabbelada dhexe, waxaana ay ku shegeen in barnaamijka uu socon doono qiyaastii labo sano.

Hey’adda Qatar Charity ujeedka mashruuca ku shegtay in uu yahay bixinta mashaariic dib u soo kabasho , iyadoona shegtay in meelaha xooga la saarayo in ay kamid tahay bixinta, dukaamo,bixinta mashiinada wax soosaara iyo lahaanshaha xoolaha.

Dadku waxaa sidoo kale la siin doono tababar ku saabsan sidii ay ula qabsan lahaayeen daadadka soo noqnoqda .

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor