Hey’adaha Bini’adanimadda oo Kenya ka Dalbaday Iney U Ogolaato Iney Dib Shaqadooda u Bilaaban Xawaaladaha Soomaalida

Warsaxafadeed ay soo saareen Hey’adaha Dhinaca Bini’adanimadda ayay uga Codsadeen Dowladda Kenya iney u ogolaato Dhamaan Xawaaladaha Soomaalida iney Dib u bilaaban Howlahooda kadib Xayiraadii la saaray Akoonadii ay Shirkadahasi lahayeen.

Hey’adaha ayaa shaaciyay in Arintan ay halis gelin karto Nolosha Qoysas Badan oo ku nool Dalka Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa Maalintii Arbacadda xayirtay Akoonadda 13 Xawaalad oo Soomaali ah oo lala xiriiriyay iney Maalgeliyan Al Shabab.

Qoysaska Soomaalida waxa ay lumiyeen Wadadii Kaliya oo ay ku heli jireen Lacagaha looga soo diro Dibadda ayaa lagu yiri Warsaxafadeedkan oo ay soo saareen Hey’adaha Bini’adanimada oo ay ku jiran Oxfam,Care International,Mercy Corps,Adeso iyo World Vision Qebteeda Soomaaliya.

Sido kale Warkan waxa lagu sheegay in Hey’adaha Gurmadka Bini’adanimada Bixiya ee ku sugan Soomaaliya iyagga laftooda iney lumin doonan Howlihii Sida joogtada ay u bixin jiren sababta oo ah waxa ku adag iney dibada ka helan Lacagihii ay u baahnayeen.

Sanadkasta Soomaalida ayaa Dibadda ka hesha Lacag dhan 1.3 Bilyan oo ay soo diran Soomaalida ku nool Dibadda.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor