Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump iyo Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya, Kim Jong Un oo Kulan Taariikhi ah ku yeeshay dalka Singapore waxay isku raaceen inay ka wada shaqeeyaan sidii loo dhamaystiri lahaa Nukliyeer-ka-dhigista Gacanka Kuurya, iyadoo Dowladda Maraykanka ka go’an tahay inay Ballanqaad dhinaca Ammaanka siiyaan Waqooyiga Kuurya.
War-murtiyeedka labada dhinac waxaa lagu sheegay inay Madaxweyne Donald Trump ka go’an tahay Ammaanka dalka Waqooyiga Kuurya iyo Hoggaamiyahooda iyo dhamasytirka Nukliyeer-ka-dhigista Gacanka Kuurya, inkastoo aan la faahfaahinin qaabka Nukliyeer-ka-dhigista iyo Cunaqabataynta
War-murtiyeedka Wadajirka waxaa kaloo lagu xusay inay labada dhinac isku raaceen sidii lagu heli lahaa haraagga Maxaabiista Dagaalka iyo in kuwa kale ee la la’ yaahay dib loogu soo celin lahaa, balse Heshiiska laguma soo hadal qaadin Cunaqabataynta Caaalamiga ee saaran dalka Waqooyiga Kuurya.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa isweydiin mudan Dhaqangalka Heshiiskaasi, Isbedelka Siyaasiga ee Waqooyiga Kuurya iyo Fal-celinta dalalka waa weyn ee Shuuciga ee jaalka la ah dalka Waqooyiga Kuurya oo iyaga indhaha ku haya Heshiiskaasi.
WQ. Ustaad Nuradin