Hay’addaha NGO-yadda oo bilaabay inay ka huleelaan Mandera iyo Alshabaab oo Waraaqo daadiyey.

Guddoomiyaha Gobalka Mandera, Fedrick Shisia ayaa sheegay inay qaar ka mid ah Hay’adda Aan Dowliga Ahayn (NGO)-yadda bilaabeen inay qaar ka mid ah Shaqaalahooda aan u dhalanin Deegaanka inay kala baxaan Mandera, kadib, markii ay Alshabaab Waraaqo Digniin ah ku daadiyeen Magaalladaasi.

Waxa uu tilmamaay inay Alshabaab ku muujiyeen Waraaqahaasi inay weerar ku soo yihiin Mandera, isagoo ku micneeyey Waraaqaha la daadiyey Taatiko cusub oo ay Alshabaab la soo baxeen.

Fedrick Shisia waxa kale oo uu tilmaamay inay Alshabaab Fariimo Nacayb ka muuqdo ku baahiyeen Baraha Bulshadda, waa sida uu hadalka u yiri.

Mar uu ka hadlay Deegaanadda Shaqaalaha NGO-yadda laga daad-gureynayo waxa uu xusay inay ka mid yihiin Degmooyinka Banisa, Tkaaba iyo Mandera East.

Dhinaca kale, waxa uu xusay inay Saraakiil iyo Ciiddamo Xoojin ah geeyeen Deegaanadda muhiimka ah oo ay ku jiraan Fino, Cumar Jiilo, Lafey, Carabiya iyo Dabacity, si loo soo celiyo Ammaanka Deegaanadaasi.

Alshabaab waxay si joogto ah uga hawlgalaan Deegaanadda W/bari Kenya ee kaabiga ku haya Xuduudka Somalia, waxayna Hawlgalo qorsheysan la beegsadaan Ciiddanka Kenya ee ku sugan Mandera iyo Degaanadda kale ee Gobalka Xeebta ee Kenya.

©Radio Dalsan         

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor