Hay’addaha Ammaanka Kenya oo soo bandhigay magacyadda iyo Sawiradda dhowr Kenyan qorsheynaya qaraxyo

Sida ay baahiyeen Warbaahinta Kenya, waxay Hay’addaha Ammaanka soo bandhigeen Sawirradda Shan Kenyan oo ay ku jiraan Lammaanayaal, kuwaasi oo la rumeysan yahay inay haatan ku sugan yihiin Xeryaha Dagaalamayaasha Alshabaab ee ku yaalla gudaha Somalia.

Warbixinta ayaa lagu sheegay inay Hay’adaha Ammaanka heleen ilo dhinaca Sirdoonka oo muujinaya inay Shantaas qof qorsheynayaan inay weeraro ka geystaan gudaha dalka Kenya.

Wargeyska The Daily Nation ee ka soo baxa magaalladda Nairobi oo loo soo dusiyey Warbixinta Hay’addaha Ammaanka ayaa lagu sheegay in Haweeneyda lagu magacaabo Shamiin Wanjiri Hussien oo ka mid ah dadka lala xiriirinayo Alshabaab inay suurto-gal tahay inay fuliso waxa loogu yeero Hawlgal Is-qarxin ah, inkastoo aan la shaacinin Xiliga iyo Goobta ay fulin doono Qaraxaasi.

Warbixinta Hay’addaha Ammaanka Kenya waxaa kaloo lagu muujiyey in Ninka ay u dhaxdo Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Omar Patroba Kama ka mid yahay Dagaalamayaasha Alshabaab ee bishii June weerartay Xeradda Milliteriga Kenya ku leeyihiin Deegaanka Baure ee Gobalka Laamu.

Liiska iyo Sawiradda xubnaha ay Hay’addaha Ammaanka Kenya soo bandhigeen waxaa kaloo ka mid  mid ah Anwar Yogan Mawok oo ahaan jirey Ciyaartoy u safta Kooxda K/cagta ee Mathare United ee Kenya iyo Labo Dagaalyahan oo lagu kala magacaabo Omar Pweyti iyo Ramadaan Kiyooko.

© Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor