Hay’addaha Ammaanka Kenya oo sheegay inay nin lala xiriirinayo Alshabaab iyo hub ku qabteen Garissa

Sida saakaytoi lagu soo daabacay Wargeyska The Daily Nation ee ka soo baxa magaalladda Nairobi, waxay Saraakiisha Ammaanka ee Garissa xalay gacanta ku dhigeen Nin lala xiriirinayo inuu ka tirsan yahay Dagaalamayaasha Xarakadda Alshabaab iyo kayd hub ah.

Wrgeyska waxa uu qoray in hubka lagu qabtay Eedeysanaha kala yihiin 3 qoriga AK 47, 227 xabbo oo rasaas ah, 4 bam gaacmeed iyo 7 Qoryaha laga rido Baasuukaha, dhowr Mobayl, miino-xambare iyo 4 xabbo ee Wargeysyadda Magazineska, waa sida u uqoray Wargeyska.

Qabashaddan ayaa imaanayso maalmo kadib, markii ay Boliska Garissa qabteen 6 nin oo u dhalatay dalka Tanzania, kuwaasi oo kaa gudbi lahaa xuduudka, si ay ugu biiraan Alshabaab.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor