Hay’adda NISA oo gacanta ku soo dhigtay Sarkaal ka tirsan Alshabaab oo la baadi-goobayey.

Ciiddan ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka ee NISA ayaa waxay xalay Hawlgal ballaaran ka fuliyeen Degmadda Kaxda ee magaalladda Muqdisho, waxaana lagu soo qabtay Tobaneeyo qof oo lala xxiriirinayo Xarakadda Alshabaab.

Hadal ka soo baxay Taliska Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay inay Hawlgalkaasi ku soo qabteen Horjooge ka tirsan Alshabaab oo horey madaxiisa loo dul dhigay lacag dhan Labo kun oo Dollar.

Sarkaalkaasi ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Xasan Fanax, waxaana la sheegay inuu ku lug lahaa dhowr weerar oo ay Ciiddanka Qaranka la galeen Alshabaab.

Dhinaca kale, Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir, C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay in Hawlgalkii xalay lagu soo qabtay Tobaneeyo qof, kuwaasi oo uu sheegay in lagu hayo baaritaano.

Ma aha markii ugu horreysay oo ay Ciiddanka NISA hawlgal ku soo qabtaan Sarkaal sare oo ka tirsan Alshabaab.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor