Hay’adda IOM oo laga codsaday inay taageero u fidiyaan Muwaadiniin Soomaali oo ku xiran dalka Swaziland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Swaziland ee kaabiga ku haya dalka Koonfurta Afrika, Princess Tsandileayaa hadalkaasi ku sheegay mar ay Xildhibaanadda  Barlamaanka dalkaasi wax ka weydiiyeen 7 qof oo Somali ah oo bilowgii sannadkan lagu xiray dalkaasi.

Wasiirka waxa uu sheegay inaysan Xukuumadiisa haynin Kharajkii lagu masaafurin lahaa Soomaalida, isla markaan ay Hay’addaha Caalamka ka mashquuleen inay taageero ka geystaan sidii dadkaasi loogu celin lahaa dalkooda hooyo.

Waxa uu ka codsaday Hay’adda Muhaajiriinta Caalamka ee IOM inay taageero ka geystaan sidii dalka Swaziland looga masaafurin lahaa 7 Qaxooti oo Somali ah oo iyagu lagu qabtay  Xero Qaxooti oo ku taalla dalkaasi.

Qaxootiga Soomaalida waxaa bilowgii sannadkan lagu qabtay Degmadda Lobamba, kadib, markii ay damceen in ay cabasho u gudbiyaan  Xafiiska Hay’adda QM ugu qaabilsan Barnaamijyadda Horumarinta ee UNDP oo ku aadan xaalladda liidata ee ka jirta Xeradda Qaxootiga ee Malindza.

Xigasho: observer.org.sz

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor