Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo ku baaqday banaanbax

Bayaan ka soo baxay hay’adda culimadda Soomaaliya ayaa lugu cambeereyay weerarro qaraxyo ah oo ka dhacay dalka boqortooyadda Sacuudiga.

Culimada,waxaa kalo ay si adag u sheegen inay uga xunyihiin qaraxii ka dhacay Talaadadii la soo dhaafay magaalada barakeysan ee Madiina Al-Munawara, kaasoo ay ku tilmaameen in uu yahay fal Khawaarij-nimo.

Hay’adda culimada ayaa si la mid ah cambaareyay weerarro ka dhacay waddamada islamka ee ay ka midyihiin Yaman, Ciraaq. Turkiga, iyo Soomaaliya, kuwaas oo dhammaantood ay sheegeen in ay yihiin wax aan Diinta Islaamka ku banaaneen.

Sidoo kale,culimada Soomaaliyeed, ayaa maalinta Isniinta ku baaqay in la isugu soo baxo banaanbax looga soo horjeedo falalkaasi, iyagoo ku baaqay in guud ahaan caalamka si isku mid ah looga soo horjeesto falalka ku talaxtagista diinta islaamka ee ka dhacaya meel kala duwan oo caalamka kamid ah.