Dhageyso:Hay’adda Cilmi-baarista Badaha:-“$300, oo Million ayaa sanad kasta laga qaataa Xeebaha Somaliya”

Dunida waxaa laga xusayaa maalinta caalamiga ah ee Amaanka Badaha.

Dabaaldegga sanadkan ayaa diiradda saaraya sidii Ganacsiga Badaha isaga kala goosha loo horumarin lahaa.

Taasi waxaa barbar socda shilalka halisaha huwan ee ka dhaca gacan-biyoodyada dunida qaarkeed.

Xeebaha Somaliya ayaa mar ahaa marinada ugu qatarsan ee gaadiidka badda shuftada ku hesho, laakin dhinaca kale taasi waxaa ku lamaanaa jillaabashada  ay maraakiibta shisheeyuhu geystaan.

Hadaba hay’adda Cilmi-baarista Badaha ee Somaliya ayaa sheegtay in sandkiiba Qarash dhan $300, oo Million laga boobo xeebaha Somaliya.

Sarreeye-Gaas, Admiral Farax Cumar Axmed, “Farax Qare” gudoomiyaha hay’adda Cilmi-baarista Badaha Somaliyeed ayaa  isagoo ka hadlayay amaanka xeebaha Somaliya iyo heerka dhaqdhaqaaqyada waxa loogu yeero Burcad-badeeda  Somaliya uu qiray inay u egtahay inay soo rogaalceliyeen.

Admiralka ayaa ku sababeeyay arrimaha kooxahan siiba dhallinyarada ku dhiirigeliya inay yihiin duruufo dhinaca nolosha ah oo heysta, haba ugu horeysa shaqo la’aanta.

Waxa uu geesta kalese sheegay in haatan dalka ka wanaagsanyahay sidii uu ahaa oo ay jiraan maamullo maxalli ah iyo dowlad dhexe oo awood leh, isagoona meesha ka saaray in haatan la dhihi karo shuftada badda waa ay ka howlgalayaan xeebaha wadanka.

Sarreeye-Gaas, Admiral Farax Qare,  gudoomiyaha hay’adda Cilmi-baarista Badaha Somaliyeed ayaa carrabka ku adkeeyay in dhibaatada amni ee ka jirta xeebaha Somaliya ay tahay wax uu ku sifeeyay Burcad-kalluun.

Waxa uu sheegay in ka sokow xaalufka ay ku hayaan kalluunka  badda hadana ay cagta marinayaan kheyraadka aysan u baahnayn.

Gudoomiyuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in sandkiiba Kalluumeysatada sharci-darrada ah ay Somaliya ka macaashaan qarash gaaraya $300, oo million.

Markii ay Somaliya gashay qalalaasaha kadib rididii taliskii Kacaanka waxa uu dalka beylaha u noqday  qowleystada shisheeye oo waxyeello xooggan u geystay deegaanka.

Waxaana fursad kale sii siiyay dhallinyaro Somaliyed oo ku andoocaday inay badda difaacayaan laakin falal danbiyo ah ka billaabay xeebaha Somaliya.

2009 kii. Maqaal lagu qoray jariidada Time ayaa lagu sheegay in sandkiiba qarashka laga faa’iido kallumeysiga sharci-darada inuu yahay $300, oo million. Waa  $300, oo million.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media