CCA oo Barnaamijka Xoojinta Dhaqanka Soomaaliyeed ku qabatay Yaaqshiid.

Hay’adda Wacyi-gelinta Bulshadda Soomaaliyeed ee CCA waxay shalay Xarunta Degmadda Yaaqshidi ee magaalladda Muqdisho ku soo bandhigeen Barnaamij lagu xoojinayo Dhaqanka Soomaaliyeed.

Munaasabadaasi waxaa ka soo qeyb galay Madax fara badan oo ay ka mid yihiin Xildhibaano, Siyaasiyiin, Maamulka Gobolka Banaadir, qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir,  Madaxda Hey’adda CCA, Madaxda Ururka Haweenka heer Qaran iyo heer Gobal.

Barnaamijka ay Hay’adda CCA ku soo bandhigtay Xarunta Degmadda Yaaqshiid waxay isugu jireen Riwaayad, Heeso, Shirib iyo Ciyaaraha indha-sarcaadka oo ay si heer sare ah u soo diyaariyeen Barbaarta Gaashaman ee Hoboladda Waaberi.

G/xigeenka Gobalka Banaadir ee dhinaca Amniga iyo Siyaasadda, Maxamed Axmed Diiriye oo ka hadlay Munaasabadaasi waxa uu Madaxda Hay’adda CCA ku bogaadiyey Kaalinta Muhiimka ee ay ka qaataan Sare-u-qaadida Dhaqanka Soomaaliyeed iyo xoojinta Is-dhexgalka Bulshadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Degmadda Shingaani, Axmed Xasan Yalaxow oo ku hadlayey magaca Guddoomiyayaasha Gobalka Banaadir ee ku sugnaa Madashaas waxa uu amaanay Barnaamijyadda Hay’adda CCA ka wadaan guud ahaan Gobalka Banaadir ee ku aadan Soo-nooleynta Dhaqanka, Is-dhexgalka Bulshadda iyo Dhiiri-gelinta Sport-ga, wuxuuna Madaxda CCA kula dardaarmay inaysan ka daalin Barnaamijyadda Isku-keenidda Bulshadda Soomaalida ee uu saameeyey Burburkii dalka ka dhacay.

Suldaan Xasan Cabdulle oo ku hadlayey magaca Oday Dhaqameedyada Degmadda Yaaqshiid waxa uu tilmaamay inay Reer Yaaqshiid u hamuun qabaan Barnaamijka Dhaqanka ee ay Hay’adda CCA, wuxuuna ka codsaday Madaxda Hay’adda inay Degmadda Yaaqshiid ka hirgeliyaan Mashaariicda Horumarinta.

G/xigeenka Ururka Haweenka Qaranka, Canab Xasan Cilmi  iyo Guddoomiyaha Haweenka Gobalka Banaadir, Jawaahir Baarqab oo ka mid ahaa Madaxdii ka hadashay Barnaamijka Xoojinta Dhaqanka, waxay soo dhaweyeen, isla markaana ay ammaaneen Waxqabadka muuqda ee ay Hay’adda CCA u hayaan Ummadda Soomaaliyeed.

Marwo Jawaahir Baarqab oo iyadana ka hadashay Madasha ayaa sheegtay inay Hay’adda CCA ka shaqeynayso Horumarinta Bulshadda, Isu-keenida Bulshadda iyo Taageerista Horumarka Bulshadda.

Waxay ku dhiirigelisay Qurbo-joogta Soomaalida inay dib ugu soo laabtaan dalka hooyo, si ay uga qeyb galaan Hawlaha Dib-u-dhiska dalka

Marwo Canab Xasan Cilmi waxay iyadana ugu baaqday Bulshadda ku nool Degmadda Yaaqshiid, gaar ahaan Dhallinyaradda inay Maamulkooda kala shaqeeyaan Nabadda.

Guddoomiyaha Hay’adda Wacyi-gelinta Bulshadda Soomaaliyeed ee CCA, Md. Maxamed Ibraahim Cali “Maxamed Cajiib” ayaa sheegay inay Hay’adda CCA sharaf iyo wanaag u tahay qabashada Kulankan Soo-nooleynta Dhaqanka Soomaaliyeed oo ay ugu dambaysay muddo haatan laga joogo 25-sannadood.

Md. Maxamed Cajiib waxa uu carrabka ku dhuftay inay Hay’adda CCA ku dhisan tahay Rabitaanka Shacabka iyo Dhowrista Dhaqanka iyo Diinta Islaamka, wuxuuna ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed waxa uu ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed in si wadajir loo ilaaliyo Diinta iyo Dhaqanka, lagana hortago kuwa ku hawlan Dhaqan-dooriska.

Guddoomiyaha Hay’adda CCA, waxa uu tilmaamay inay sii wadi doonaan Ololaha Soo-nooleynta Dhaqanka Soomaaliyeed, isla markaana la sii laba jibaari doono Barnaamijka Dhaqanka ee  sannadka soo socda ee 2016-ka haddii uu Ilaahay raalli ka noqdo.

Guddoomiyaha Degmadda Yaaqshiid, Cismaan Macallim Nuur Caddaawe waxa uu Hay’adad CCA uga mahad celiyey Barnaamijka Dhaqanka ee lagu qabtay Degmadiisa, wuxuuna  xusay in loo baahan yahay Dadaal dheeraad si kor loogu qaado  Soo-nooleynta Dhaqanka Ummadad Soomaaliyeed.

Xildhibaan Yuusuf Xayle Jimcaale oo ka mid ah Mudanayaasha Barlamaanka Federalka Somalia, kana qeyb galay Barnaamijka Soo-nooleynta Dhaqanka Soomaaliyeed waxa uu soo dhaweeyey dadaalka ay Madaxda iyo Hawlwadeennadda Hay’adda CCA ugu jiraan Soo-nooleynta Dhaqanka Soomaaliyeed iyo Xoojinta Is-dhexgalka Bulshadda.

Xildhibaanku waxa uu carrabka ku dhuftay inuu Shaqsi ahaan diyaar u yahay inuu hiil iyo hooba ku taageero waxqabadka ay Hay’adda CCA u fulinayso Ummadda Soomaaliyeed.

DAAWO SAWIRADDA:

Y23 Y3 Y4 Y5 Y22 Y21 Y19 Y17 Y16 Y15 Y14 Y13 Y11 Y 9 Y 8 Y 7 Y 6 Y 12 Y 10yy8yy7yy9yy4yy2yy12© Radio Dalsan 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor