Hay’adda CCA oo Barnaamij lagu xoojinayo Dhaqanka Soomaaliyeed ku qabatay Degmadda Shibis.

Hay’adda Wacyi-gelinta Bulshadda Soomaaliyeed “Center For Community Awareness ( CCA )” oo ka mid ah Hay’adaha fara-ku-tiriska ee safka hore kaga jira Hawlaha Wacyi-gelinta Bulshadda iyo Adkeynta Nabadda iyo Ammaanka ayaa waxay shalay Degmadda Shibis ku qabteen Barnaamij ballaaran oo Bulshadda looga  wacyi-gelinayo Ilaalinta Dhaqanka Tolmoon  ee  Ummadda Soomaaliyeed iyo sidii Dhallinyarradda loogu wacyi-gelin lahaa inay ku hirtaan Dhaqankaasi faca weyn.

Munaasbadaasi oo si heer sare loo soo agaasimay waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha cusub ee Maamulka Gobalka Banaadir, ahna Duqa magaalladda Muqdisho, Md. Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), qaar ka mid ah Guddoomiyayaaasha Degmooyinka Gobalka Banaadir, Siyaasiyiin, Saraakiisha Ammaanka Gobalka Banaadir, Ururka Haweenka Gobalka Banaadir, Waxgarad, Odayaal, Dhallinyarro, Fannaaniinta Hoballadda Waaberi, Barbaarta Gaashaaman iyo dadweyne fara badan  oo ka kala yimid Waaxyaha ay ka kooban tahay Degmadda Shibis iyo Kooxda Ciyaartoyda Dhaqanka ee Shibis.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf  Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ka hadlay Munaasabadaasi waxa uu aad u ammaanay Kaalinta libaaxa ee ay Hay’adda CCA sida joogtada uga qeyb qaataan Wacyi-gelinta Bulshadda, Soo-nooleynta Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed, Horumarinta Bulshadda, Mustaqbalka Dhallinyaradda iyo Sport-ga.

“Barnaamijka Wacyi-gelinta Dhaqanka, waa mid lagu dhiiri-gelinayo Bulshadda, gaar ahaan Dhallinyaradda inay ku bartaan Dhaqanka Soomaalida, Waddaniyadda iyo Nabadda” ayuu yiri Guddoomiyaha oo hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in la joogteeyo  Barnaamijyadda lagu xoojinayo Dhaqanka Soo-jireenka ee Ummadda iyo in Dhallinyaradda laga wacyi-geliyo inaysan ku biirIn Kooxda Alshabaab iyo Xag-jirayaasha.

Agaasimaha Xafiiska  Hay’adda (CCA) ee magaalladda Muqdisho, Maxamed Cabdi Xasan oo isagana ka hadlay Munaasabadaasi waxa uu ka warbixiyey dadaalka joogtadda ee ay Mas’uuliyiinta Hay’adda CCA ka qaataan Hawlaha loogu adeegayo Qaranka Soomaaliyeed, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Hadafka Guud ee Hay’adda CCA inay tahay  Wacyi-gelinta Bulshadda, Dhowrista Dhaqanka, Waddaniyadda, Adkeynta Nabadda iyo in Dhallinyarradda looga digo Dhaqan-xumidda, Xag-jirnimadda iyo inaysan kaalin ka qaadanin Falalka wax u dhimi kara Horumarka Ammaanka iyo Nabadda Bulshadda.

Xildhibaan Ibraahim Saalax Deyfullah oo ka tirsan Mudanayaasha Barlamaanka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay Munaasabadaasi, wuxuuna sheegay inuu qirsan yahay inay Madaxda Hey’adda CCA mas’uuliyad adag  u hayaan  bulshadda Soomaaliyeed, hadday noqon lahayd Waceygelinta, Soo -nooleynta Dhaqanka, Adkaynta Ammaanka iyo Horumarinta Sport-ga.

Guddoomiyaha Degmadda Shibis, Axmed Muumin Maxamed ayaa isagana ka hadlay Munaasabadaasi, wuxuuna Hay’adda Wacyi-gelinta Bulshadda Soomaaliyeed ee CCA uga mahadceliyey Barnaamijka Wacyi-gelinta ee ay u qabteen Bulshadda ku nool Degmadda Shibis, isagoo sheegay inay Bulshadda ka faa’ideysteen waxyaabihii lagu soo bandhigay Madasha Degmadda Shibis.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Banaadir, Jawaahir Baarqab  iyo Xuseen Saalim oo ka mid ah Waxgaradka ku nool Degmadda Shibis  oo ka hadlay Kulankaasi ayaa  ugu baaqay Dhallinyaradda Soomaaliyeed inay u midoobaan Ilaalinta Dhaqanka iyo Nabadda iyo inay ku hirtaan Dhaqanka Soo-jireenka ee Ummadda Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee, Hay’adda Wacyi-gelinta Bulshadda Soomaaliyeed “Center For Community Awareness ( CCA )” waxaa ku mideysan Dhallinyarro Waddaniyiin  Hawlkar ah, oo ay ka go’an tahay inay Aqoontooda IYO Hnatidooda ugu adeegaan Horumarinta Bulshadda, Xoojinta Dhaqanka, Nabadda iyo Ammaanka Bulshadda.

Bishii October ee la soo dhaafay, waxay Madaxda Hay’adda CCA  soo qabanqaabisay Shirweyne looga hadlay Wada-shaqeynta Hay’addaha Ammaanka iyo Dadweynaha, iyadoo ay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federalka a meel-marisay Shirkaasi oo lagu qabtay Hotelka City Palace ee magaalladdan Muqdisho.

© Radio Dalsan