Hay’adda Calaamiga ee Global Witness oo ka digtay khatarta Heshiiska Soma Oil and Gas

Iyadoo ay weli taagan tahay xiisadda la xiriira Musuqa  hareeyey Heshiiskii Shidaal-baarista ee dhex maray Shirkadda Somaa Oil and Gas ee laga leeyahay dalka Britain iyo WasaaraddaBatroolka iyo Macdanta ee Somalia ayaa waxaa soo baxayo digniino ku adaan inuu Heshiiskaasi khatar u keeni karo Ummadda Soomaaliyeed.

Hay’adda Caalamiga ee Global Witness  ee u xil-saaran baaritannadda Tacadiyadda Xuquuqda Aadanaha iyo U-ololeynta ka-hortagga Musuqa iyo Colaadaha ka dhasha Kheyraadka Dabiiciga ayaa ku tilmaamtay Heshiiska lala galay Soma Oil and Gas inuu yahay Heshiis dhib u leh Ummadda Soomaaliyeed.

Barnaby Pace oo ka tirsan Hay’adda Global Witness  ee uu Fadhigeeda dhexe ku yaallacaasimadda dalka Britain ee London ayaa sheegay inay rumeysan yahay  inay Siyaasiyiin iyo La-taliyayaal si sharci-darrouga macaashayaan Kharajka ka soo xerooda Hantida Dalka Somalia ee la iibinayo.

Sarkaalkaasi waxa uu tilmaamay in si qaldan looga faa’ideysanayo iibinta Qanadaraaskaasi ee lagu bedelanayo Kharajka, isla markaana shaki weyn laga qabi karo Heshiiska Britan iyo daalalka kale la galayaan Dowladda Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray in Kharajka iyo farsamada musuqa looga dan leeyahay si lagu badbaadiyo Danaha Shidaalka ee labada dhinac, wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu Heshiiskaasi Ummadda Soomaaliyeed ka dhex abuuri karo Dagaal dhinaca Shidaalka.

Hadalkiisa ayaa soo baxay, iyadoo ay Guddiga Kormeerka QM ee Cunaqabataynta saaran Soamlai iyo Eritrea soo bandhigeen Warbixin farta ku godaysa Heshiiska Soma Oil and Gas iyo Wasaaradda Batroolka ee Somalia kala saxiixdeen bishii August ee sannadkii 2013-kii.

Dowladda Federalka Somalia waxay sheegtay inay gaacan ka geysan doonaan Baaritaanka Fadeexadaasi, iyadoo Xafiiska La-dagaalanka Musuqa ee dalka Britain ee SFO guda-galay baaritaanka arrinkaasi.

Heshiiskaasi waxaa dhedxdhexaadin ka gashay Hay’adda  La-talinta ee FTI  Counsulting oo Xarunteeda dhexe ku taallo caasimadda dalka Maraykanka ee Washington.

Hay’adda FTI  Counsulting ayaa ah Shirkaddii sannadkii 2013-kii la saxiixatay Dowladda Federalka Heshiiska Xayiraadda looga qaado Hantida Somalia ee ku xayiran Bangiyadda Caalamka,waxaana walaaca Heshiiskaasi darted isku casilay Guddoomiyihii hore ee Bangiga Dhexe ee Somalia, Yusur Abraar oo iyada ka biyo diida Oggolaanshaha  saxiixa Heshiiskaasi.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor