Hay’adaha Samafalka oo codsaday Malaayiin Dollar oo lagu caawiyo dadka ku macluulsan Somalia.

Hay’adaha Samafalka ee ka hawlgala Somalia waxay maanta codsadeen lacag dhan 105 million oo Dollar si wax looga qabto taageeradda Nolol-badbaadinta dadka ku macluulsan qeybo ka mid ah Somalia.

Hadal qoraal oo uu Xiriiriyaha Hawlaha Samafalka ee Somalia, Peter de Clercq maanta ka soo saaray magaalladda Nairobi waxa uu sheegay inay xaallad khatar ah ka jirto Deegaanadda Puntland iyo Somalia, isagoo sheegay inay xaalladdu ka sii dari karto.

Peter de ClercqQoraalka QM waxa kaloo lagu shegeay in dhimashadda lala xiriirta nafaqo la’aanta in laga soo weriyey qeybo ka mid ah Somalia.

Deegaanadda Waqooyiga Somalia oo ay ku jirto Puntland iyo Maamulka la magac baxay Somaliland waxaa ka jirta Abaar culus, iyadoo 385,000 oo qof u baahan yihiin Kaalmo Raashin.

Qoraalka ka soo baxay Hay’addaha Samafalka waxaa laga digay haddii aan Lacagaha ay Hay’addaha Samafalka codsadeen aan la helin inay natiijaddu noqon karto in la arko qabuuro lagu aasay dad gaajo u geeriyootay.

Hay’addaha Samafalka waxay ku qiyaasaan in 1.7 million oo qof ama ku-dhawaad 40% oo ka mid ah dadka Soomaalida inay ku tiirsan Taageero Samafal.

Abaaro iyo colaado ka dhacay Somalia waxay sababtay macluushii dhacday sannadihii 2010-kii ilaa 2012-kii, taasi oo ay ku geeriyoodeen boqolaal qof.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor