Hay’adaha QM ee ka shaqeeeya Somalia oo codsanayo Malaayiin Dollar ay u adeegsadaan Hawlaha Samafalka ee sannadkan.

Hay’addaha QM ee ka hawlgala gudaha Somalia ayaa la filayaa inay Toddobaadka soo socda soo bandhigaan Codsi Lacageed oo dhan 885 million oo Dollar, si ay u xaqiijiyaan Hawlaha Samafalka Aadminimo ee Somalia ee sannadkan 2016-ka.

Xafiiska QM ee Isku-xirka Hawlaha Samafalka ee OCHA ayaa sheegay in ku-dhawaad 4.9 million oo Soomaali ah u baahan yihiin Taageero Samafal Aadminimo, iyadoo aysan Hay’addaha QM awoodi karin inay wax siiyaan dad tiradoodu dhan tahay 3.5 million oo qof.

Qoraalka ka soo baxay Xafiiska OCHA waxay sheegtay inay dadkaasi ka kooban yihiin 1 million oo qof oo ay soo food saartay Ammaan-xumida Cuntadda, halka 3.9 million weli la daala-dhacayaan Tabar-darni sare.

©Radio Dalsan              

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor