Hay’ad Maraykan oo aan dowli ahayn oo walaac xooggan ka muujisay Saldhiga Diyaaradaha  Droneska Maraykanka ay ku leeyihiin gudaha dalka Somalia

Haweeneyda asaastay Hay’adda aan Dowliga ahayn ee US Global Drones Watch ayaa ugu baaqday Dowladda Maraykanka inay joojiyaan Hawlgalladda Diyaaradaha Droneska ka fuliyaan dalka Somalia iyo dalalka Bariga Dhexe.

Medea Benjamiin iyadoo la hadlayso Wargeyska Sputink News waxay sheegtay in loo baahan yahay in QM iyo Ururka Midowga Afrika looga amar qaato weeraradda lala beegsanayo Alshabaab, waxayna hoosta ka xariiqday inaysan micnaheedu ahayn inay Alshabaab difaacayso.

Medea Benjamiin waxay sheegtay inay argagax ka qaatay inay Maraykanka adeegsadaan Saldhigyo ku yaalla gudaha Somalia si ay ugu adeegsadaan weeraradda Droneska.

Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka “The Pentagon” ayaa sheegay inay Saldhig ku yaalla magaalladda Kismaayo ka qaadaan weeraradda dhinaca cirka ee ay ka fuliyaan gudaha Somalia.

Ilaa 105 qof ayaa la sheegay in lagu dilay weeraradda Droneska ka geysteen gudaha dalka Somalia.

QM waxay horey u sheegtay inay weeraradda Diyaaradaha Droneska Maraykanka xad-gudub ku yihiin Sharcuucda Caalamiga, waxayna Diyaaradahaasi duqeymo ka geystaan dalalka Somalia, Pakistan, Yemen, Syria iyo Afganistan.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor