Hay’ad British oo sheegtay inay Alshabaab boqolaal weerar ka geysteen Somalia iyo Kenya.

Xarunta Cilmi-baarista Kontoroolka Khataraha ee (Control Risks) ee fadhigeedu yahay magaalladda London ee dalka UK waxay shalay soo saaartay Warbixin ay ku sheegtay inay Alshabaab 879 Weerar ka geysteen Somalia tan iyo bishii April ee sannadkii hore, waa sida ay Hay’addu qortay.

Warbixinta waxaa lagu sheegay inay Xarakadda Alshabaab oo maamusha dhul ballaran ay dagaal kula jirtay Dowladda Somalia iyo Ciiddanka AMISOM tan iyo sannadkii 2007-dii.

Xarunta Cilmi-baarista Kontoroolka Khataraha ee (Control Risks) waxaa kaloo lagu xusay inay sare u kaceen Weeraradda ay Alshabaab geysteen tan iyo sannadkii 2013-kii, isla markaana ay Alshabaab geysteen 60% weeraradda ay Kooxaha Islaamiyiinta ka geystaan dalalka Saxaraha ka hooseeya ee Qaaradda Afrika, waa sida hadalka loo dhigay.

Warbixinta waxaa kaloo lagu muujiyey inay Alshabaab weeraro ka geysteen dhowr Waddan oo ka mid ah dalalka taageera DFS, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Kenya, Uganda iyo Ethiopia.

Warbixinta waxaa kaloo lagu shaaciyey inay Kenya dhibaato xooggan kala kulmaan  weeraradda  Alshabaab oo iyagu 79 weerar ka fuliyey gudaha dalkaasi.

Bishii la soo dhafaay, Xarunta kale ee Cilmi-baarista Maraykanka ee Center for Strategic Studies waxay soo saartay Warbixin ay ku sheegtay inay Alshabaab ka mid tahay Kooxaha Islaamiyiinta ee dilalka badan ka geysta Qaaradda Afrika, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Xarakadda Alshabaab oo la asaasay sannadkii 2006-dii waxay qeyb ka ahaayeen Golihii Maxkamadaha Islaamka ee dagaalka ba’an la galay Ciiddankii Ethiopian-ka ee ugu horreeyey ee faragelinta Milliteri ku soo gaalay  gudaha Somalia.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media