HawlgalkA NATO ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda Somalia oo xilliga loo kordhiyey

Ciiddanka Badda ee Isbahaysiga NATO ee ku sugan Xeebaha Somalia ayaa loo cusbooneysiiyey xilli-hawleedkooda ay kula dagaalamayaan Burcad-baddeeda ka qowleysata Xeebaha Somalia.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay NATO  ayaa lagu sheegay  inay Ciiddankaasi sii joogi doonaan Xeebaha Somalia ilaa dhamaadka sannadka soo socda ee 2018-ka, si ay Maraakiibta uga badbaadiyaan Weeraradda Burcad-baddeeda ee ka so ocusboonaaday Badda Somalia.

NATO waxay sheegtay inay yaraadeen tiradda weeraradda iyo Afduubka lala beegsado Maraakiibta Ganacsiga ee isticmaala Badda Somalia, inkastoo bishii hore iyo bishan dhaceen falal lagu fduubtay Maraakiib.

Tallaabadda NATO xilliga ugu kordhisay Ciiddankooda ka jooga Badda Somalia ayaa waxay ku soo beegantay iyadoo ay Midowga Europe xaqiijiyeen inay muddo 2-sanno ku kordhiyeen Xilliga ay Ciiddankooda qeybta ka ah  Hawlgalkooda ATLANTA kaga hortagayaan Weeraradda Kooxaha Burcad-baddeeda u geystaan Maraakiibta iyo inay gelbiyaan Maraakiibta Shixnadaha Gargaarka ee u soo wada Somalia

Ciiddanka Badda ee EU-da ee ka hawlgala Badda Somalia oo tiradoodu dhan tahay 1.200 Askari  ay wataan 4 Maraakiibta Dagaalka iyo 3 Diyaaradha loogu talagalay  Ilaaladda.

Saraakiisha Hay’adda Badda Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyey inay weli sii socdaan Khataraha Burcad-baddeeda ku hayaan Maraakiibta.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media