Hawlgalka AMISOM oo xilliga loo kordhiyey

War-murtiyeed lagu soo daabacay Warbaahinta indhaha ku haysa Wararka Maalinlaha ee AMISOM (AMISOM Daily Monitoring) ayaa lagu sheegay in Ururka Midowga Afrika (The African Union) ay muddada Hawlgalka AMISOM ku kordhiyeen muddo hal sanno ah.

AU-da ayaa go’aankaasi ku gaaray Shirkii 595-aad ee ay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika dhawaan ku yeesheen Xarunta Dhexe ee AU-da oo ku taalla caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.

Go’aankaasi waxaa lag oggolaaday  in Hawlgalka ay Ciiddanka AMISOM ka wadaan Somalia sii socon doono tan iyo bisha May 30-da ee sannadka soo socda ee 2017-ka.

Xilli-kordhintaasi ayaa lagu micneeyey inay Ciiddanka AMISOM oo tiradooda dhan tahay 22,000 Askari sii wadaan Hawlgalka ay kula dagaalamayaan Xarakadda Alshabaab.

Dhinaca kale, Ururka AU-da waxay murugo xooggan ka muujiyeen Go’aankii ay Midowga Europe (EU) ku dhimeen 20% Taageeradda Dhaqaale ee ay siiyaan Hawlgalka AMISOM, isla markaana Qiimo-dhimistaasi lagu soo beegay xilli Xasaasi  u ah AMISOM.

Ururka AU-da waxay ugu baaqeen Midowga Europe inay dib uga fekeraan go’aankaasi, xilli ay foodda nagu soo hayaan Doorashooyinka ka dhici doona Somalia.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor