Hawlgalka AMISOM oo bilaabay qorshihii ay Somalia kaga bixi lahaayeen

War-saxaafadeed uu soo saaray Ergayga Gaarka ee Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Hawlgalka AMISOM, Ambassador Francisco Madeira ayaa ku dhawaaqay inay wadaan Dhaqdhaqaaqyo Ciiddan oo qeybta ugu horreysa ee Ciiddanka AMISOM kaga bixi lahaayeen Somalia sannadka soo socda ee 2018-ka.

Waxa uu intaasi ku daray inay Dhaqdhaqaaqyadda ka socdaan dhamaan Fariisimadda AMISOM, si loo bilaabo daad-gureyntooda, sida ku cad Qaraarkii ay sannadkan soo saareen Golaha Ammaanka ee QM ee uu Tirgiisu ahaa 2327.

Qaraarkaasi ayaa lagu qeexay Istaraatijiyadda ay Ciiddanka AMISOM si tartiib-tartiib ah uga soo bixi lahaayeen Somalia oo ay joogeen tan iyo sannadkii 2007-dii.

Ambassador Francisco Madeira waxa uu tilmaamay inay Ciiddanka Qaranka Somalia ku wareejin doontaa Hawlaha Amniga, wuxuuna ugu hambalyeeyey Tababrka ay qaateen iyo awoodda ay u leeyihiin Mas’uuliyadda Sugidda Ammaanka Somalia.

War-saxaafadeedka waxaa kaloo lagu xusay inay Istaraatijiyadda Dhaqdhaqaaqyadda Ciiddanka AMISOM sii socon doonaan Toddobaadyadda soo socda, iyadoo aysan wax u dhimi doonin Xilliga Bixitaankooda ee Adeegyadda Ammmaanka iyo in hubaal laga dhigo Bad-qabka Ummadda Soomaliyeed..

War-saxaafadeedkaasi oo uu ku saxiixnaa Afhayeenka AMISOM, Kolonel Wilson Rono ayaa ku soo beegmay xilli uu Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo ku dhawaaqay inay Ciiddanka Dowlad qaadi doonaan Dagaal ka dhan ah Alshabaab.

Shalay ayaa ahayd, markii Madaxweynaha DF iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda ay Kulan la qaateen Taliska Ciiddanka Somalia iyo kuwa AMISOM oo looga hadlay Istaraatijiyadda Dagaalka uu Madaxweyne Farmaajo iclaamiyey.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media