Haweenka Soomaalida ee ku nool dalka Denmark oo la sheegay in ay ku adagtahay barashada luuqada dalkaas

Qaar ka mid ah dumarka Soomaalida Denmark, ayaa la sheegay ineey qabeen xaflad ay ugu dabaal dagayeen urur ay leeyihiin sanad guuradiisa.

Telefeyshinka dalkaas ayaa weriye ka tirsan joogay goobta. Waxaana barnaamij uu ka diyaariyey warbixin ku saabsan kulankaas oo uu sheegay in haweenkii halkaasi iskugu yimid intooda badankooda ay joogeen dalkaasi  ku dhawaad labbaatan sanno. Balse uu farta ku fiiqay in eysan garaneyn  afka deenish-ka ama eeysan baran iska daa jaamacado ay aadaane.

Dhacdadan ayaa hadda noqotay mida loogu hadal heyn badan yahay baraha bulshadda. Loona arko ceeb dad muddo intaas la eg dalka joogay oo loo tarjumayo afka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media