Haweeneydii uu ninkeeda tooreyda ka geliyey dhabanka oo laga soo saaray.

Dhibane Fatuma Ibraahim oo uu ninkeeda Tooreey ka geliyey Dhabanka ayaa lagu guuleystay in laga soo saaro Tooreydaasi.

Haweeneydaasi oo 32-jir ah waxaa galabnimaddii Khamiista ee la soo dhaafay Diyaarad ay leeyihiin Dhakhaatiirta Amref Flying Doctors looga soo qaaday Degmadda Wajeer, oo lagu  keenay magaalladda Nairobi.

Fatuma Ibrahim, who was stabbed in the cheek by her husband in a family dispute in Wajir, upon arrival at Kenyatta National Hospital for an operation on Thursday. Photo/COURTESYShan Dhakhtar oo ka hawlgasha Isbitaalka Kenyatta National Hospital ayaa iska kaashaday qalinkeeda oo socday muddo 60 daqiiqo ah, waxayna ku guuleysteen inay Dhabankeeda Midig  ka soo saaraan mindi dhereekeedu dhamaa 4 inch.

FATUMO IBRAHIM 1Xaalladeeda ayaa haatan soo hagaagayso, inkastoo aysan weli hadli karin, waxaana la filayaa inay Isbitaalka ku sii jirto shanta maalmood ee soo socota.

Muuqaal Raajo (X-ray) oo laga qaaday Wejigeeda inta aan Tooreyda laga soo saarin ayaa muujisay in mindida laga geliyey dhabankeeda midig, kana dustay ilaa meel ku dhow isheeda bidix.

X-RAY

Dhinaca kale, Maxkamadda Wajeer ayaa amartay in Xabsiga lagu sii hayo Maxamed-deeq oo ah Ninka tooreeyda ku dhaawacay Xaaskiisa, waxaana mar kale la soo maxkmaadeyn doonaan bishan January 13-da.

Lammaanahaasi oo afar carruur isku dhalay ayaa waxay deggan yihiin Deegaanka Khorof Harar ee Degmadda Wajeer ee W/bari Kenya.

©Radio Dalsan     

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor