Haweeneydii ugu horreysay ee is-qarxin lahayd oo xukun lagu riday

Maxkamad ku taalla Caasimadda dalkaasi Indonesia ee Jakarta ayaa la soo tagay Haweeneydaasi oo lagu helay inay isku qarxin lahayd Qasriga Madaxtooyadda ee dalkaasi.

Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Diyaan Yuliya Novi ayaa lagu xukumay Xabsi dhan 7 sanno iyo 6 bilood, waana markii ugu horreysay ee Haweeney u dhalatay dalkaasi lagu soo oogo Isku-day Fal Is-qarxin ahaa.

Haweeneydaasi oo 28-jir ah waxaa dabayaaqadii sannadkii hore lala xiray Saygeeda oo lagu magacaabo Mohamed Nuur Solikin., xilli ay ku sugnaayeen guri ay ka kireysteen Deegaanka Bekasi ee duleedka magaalladda Jakarta.

Dacwad-oogayaasha Maxkamadda waxay sheegeen in Haweeneydaasi uu tashkiiliyey Sarkaal ka tirsan Kooxda Daacish, oo lagu magacaabo Bahrun Nay, kaasi oo la sheegay inuu ku sugan yahay gudaha dalka Syria

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media