Haweeneydii Soomaalida ee lagu kufsaday Xero Qaxooti oo dib loogu celiyey dalka Australia.

taageerayaasha ABYANHaweeneydaasi oo magaceeda lagu soo koobay Abyan ayaa dib ugu laabatay dalka Australia, si ay isaga soo xaaqdo Uur ay qaaday bartamihii bishii July ee sannadkan oo Kufsi-wadareed loogu geystay Jesiiradda Nauru ee duleedka Australia.

Wasiirka Socdaalka ee dalka Australia, Peter Dutton ayaa xaqjiiyey inay Abyan ku sugan tahay gudaha dalka Australia.

Wasiirka oo la hadlay Telefishinka iyo Idaacadda Australia ee ABC ayaa sheegay in Abyan la siinayey Daryeel Daawo, isla markaana loo samayn doono wax kasta oo ay jeceshahay.

Haweeneydaa Soomaalida o oleh Uur 17 isbuuc ayaa waaxaa bishii hore loo soo duuliyey magaalladda Sydney ee dalka Australia, kadib, markii ay codsatay in Ilmaha laga soo xaaqo.

Laakiinse, Dowladda Australia ayaa u kireysay Diyaarad Khaas ah oo dib loogu celiyey  Xeraddii Qaxootiga ee Jasiiradda Nauru ee horey loogu kufsaday, uurkana ku qaaday.

Dhinaca kale, Abyan ayaa waxaa suurto-gal ah marka uurka laga soo xaaqo inay magangelyo Qaxootinimo codsan doonto Dowladda Australia, waxayna u badan tahay inay Maxkamadda Sare ee Australia oggolaan doonto Codsigaas.

Horey waxay Dowladda Australia magangelyo noocaasi ah u siiyeen dhowr haween Soomaali oo lagu soo fara-xumeeyey Xarunta Qaxootiga lagu hayo ee ku taalla Jesiiradda Nauru.

© Radio Dalsan

PETER DUTTON 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor