Haweeneyda keliya ee ka midka Kalluumeysatada Soomaalida oo codsatay in lagu taageero Matoorka cusub ee Doonyaha

Caadi kama ah Somalia in la arko haween doonyo ku kalluumeysta oo nolol ka raadsada Cuntada Badda.

Laakiin magaalladda xeebta leh ee Eyl waxaa ku nool haweeney caan ka ah, taasi oo  nolosheeda ka soo saarata Jilaabashadda Kalluunka.

Asha Abdikarim oo 45 jir waa hooyo 3 carruur leh, waxayna shaqada Kalluumeysiga bilowday sannadkii 1999-kii.

Asha Abdikarim markii ay da’da yarayd.kuma fekeri jirin inay noqoto Haweeney Kalluumeysato ah, balse markii ay seygeeda kala tageen  ayey qeyb ahaan dareentay inay noqoto  Kalluumeysato, si ay u soo dhacsato Nolol-maalmeedka s-deeda carruur.

Waayo saygeedii hore waxa uu ahaa Kalluumeysato, waxayna horey u taqaanay qaabka loo kaydiyo Kalluunka iyo hanka loogu diyaariyo Suuqa.

Waxay yeelatay Hotel ay inya badan macaamil ka yihiin Dalxiisayaasha soo booqda magaalladda Eyl ee Taariikhiga ah.

Ganacsigeeda waxa uu sare u kacay, markii ay Hay’adda Laanqeyrta Cas ee  Calaamiga (ICRC() bsihii July u qeybisay qoysaska Kalluumeyatada ku nool magaalladda Eyl 20 Matooradda Doonyaha iyo 20-Qaboojiyayaasha ku sahaqeeya Ilayska Cadcadeedaka.

Asha waxay ka heshay hal Firintijeer oo ay ku kaydsato Kalluunka, Libaax Baddeeda iyo Aargoosatada.

ICRC waxay Matootadda Doonyaha u qeybiyeen Bulshadda Kalluumeysatada ku nool 3 magaallo-xeebeed oo ku taalla Somalia, si ay Kalluumeysatada

Asha Abdikarim waxay sheegtay inay deeqdaasi u fududeynayso Kalluumeysatada inay kordhiyaan wax-soo-saarka Kalluunka iyo inay Kalluun badan dhoofiyaan Xilliga soo socda.

Aad baan u rajo weynahay Insha Allaah, waan heli doonaan Nasiibkeena, Badda waa nimco uu Ilaahay noogu deeqaday” ayey tiri Asha Abdikarim oo ah Haweeneyda keliya ee Soomaalida ee ka shaqeysata Badda, isla markaana kalluunka ka raadisa moolka Dhexe ee Badda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media