Haweeneyda Jihadistaha Britishka ee lagu naanayso Carmalladda Cad oo la rumeysan yahay inay weli ku sugan tahay Bariga Afrika.

Samantha Lewthwaite oo u dhalatay dalka Britain, ahna Haweeneyda sida xooggan loo baadi-goobayo ayaa la sheegay inay weli ku sugan tahay dal ku yaalla Bariga Afrika.

Wargeyska The Mirror ee ka soo baxa Britain ayaa qoray inay Goobjoogayaal u sheegeen Koox Baarayaal ah inay Samantha Lewthwaite  iyo Jihadistahii Britishka ee la dilay, Thomas Evans ka mid ahaayeen Dagaalamayaashii Alshabaab ee bishii June ee sannadkii hore weeerarka ka geystay Deegaanka Mpeketoni.ee dalka Kenya, laguna dilay in ka badan 50 qof, waa sida uuWargeyska The Mirror qoray.

Ilo kale oo dhinaca Ammaanka ayaa u sheegay Wargeyska inay Samantha Lewthwaite kaalin ka qaadarat Weerarkii ay Alshabaab bilowgii sannadkii hore ka geysteen Dedmadda Laamu oo ku dhow xuduudka Kenya iyo Somalia

Haweeneydaas lagu naanayso Carmalladda Cad oo 31 jir lehna afar carruur ah ayey Hay’addaha Sirdoonka Britain iyo Maraykanka rumeysan yihiin inay ka mid tahay Saraakiisha sarsare ee Xarakadda Alshabaab, waa sida u uqoray Wargeyska The Mirror.

Samantha Lewthwaite, oo ay Boliska Calaamiga ee Interpol baadi-goobayaan ayaa la rumeysan yahay inay weli ku sugan tahay Bariga Afrika, wallow ay Sirdoonka Reer Galbeedka horey u sheegeen inay u baxsatay dalka Yemen, kuna biirtay Kooxda Alqaacida Gacanka Carabta .

© Radio Dalsan

Xigasho: The Mirror

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor