Haweeney u halgami jirtey Maraykanka Madow oo sawirkeeda lagu asteeyey Dollarka Maraykanka

126 sanno kadib oo Isbedel lagu sameeyey Naqshadda Lacagta Dollarka Maraykanka.

Xoghayaha Maaliyadda ee dalka Maraykanka, Jacob Lew ayaa ku dhawaaqay in Isbedel Taariikhi ah lagu sameeyey qeybo ka mid ah Lacagaha Warqadaha ee Dollarka, gaar ahaan Lacagta Noodka ee 20-ka Dollar iyo 10-ka Dollar.

Haweeneyda Maraykanka Madow ee Harriet Tubman oo u soo halgantay Xuquuqda Maddaniga ee Dadka Madow iyo Haweenka ayaa la go’aansaday in Sawirkeeda lagu dul-daabaco Lacagta 20-ka Dollar ee Maraykanka, oo uu haatan ku daabacan yahay Madaxweynihii 7-aad ee dalka Maraykanka, Andrew Jackson.

Harriet Tubman  waxay Qarnigii 19-aad ka badbaaday in la adoonsado, waxayna bilowday inay Tobanaan qof ka taageerto sidii ay uga bixi lahaayeen Is-adoonsigii ka jiray Maraykanka.

Isbedelkaasi Taariikhiga ayaa ah kii ugu horreeyey ee lagu sameeyo Naqshadda Lacagta Dollarka Maraykanka tan iyo sannadkii 1890-kii.

dollar

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor