Haweeney u dhalatay Qatar oo ku yaboohday Kharajka Dhismo u gaar ah Carruurta Agoonta ku nool Somalia.

Hay’adda Adeegga Samafalka ee Sheekh Thani Bin C/llaahi  ee dalka Qatar ayaa sheegay inay Haweeney u dhalatay dalkaasi bixisay dhamaan Kharajka lagu dhisayo Dhismahaasi oo laga hirgelinayo magaalladda Muqdisho.

Kharajkaasi oo dhan 6.5 million oo Riyaalka Qatar ayaa lagu hirgelin doonaan Mashruucaasi oo ku fadhiya dhul cabirkiisu dhan yahay 15,000 oo mitir oo isku wareeg ah.

Kharajkaasi ay bixisay Haweeneyda u dhalatay dalka Qatar oo aan magaceeda la shaacinin waxay ku deeqday dhamaan Kharajka ku baxayo Dhismahaasi iyo qalabayntiisa, iyadoo Mashruucaasi lagu dhamaystiri doono muddo 14 bilood ah.

Mashruucaasi waxaa lagu xanaanayn doonaa 500 carruur agoon ah oo isugu jira wiilal iyo gabdho, iyadoo loo fidinayo Adeegyadda Dugsiga waxbarashadda, Hoyga, caafimaadka iyo qeybta madadaalladda.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor