Haweeney Somali oo lagu kufsaday Xero Qaxooti oo ka hadashay sababihii looga soo masaafuriyey Australia.

Haweeneydaasi oo magaceeda lagu soo koobay Abyan ayaa beenisay inay ka laabatay go’aankii ay ku gaartay in laga soo xaaqo uur ay qaaday, kadib, markii ay rag Qaxooti shisheeye ah ay bishii July ee sannadkan si saf-wadareed ah ugu  kufsadeen Xarun lagu hayo Muhaajiriinta oo ku taalla Jesiiradda Nauru ee duleedka dalka Australia.

Qoraal-gacmeed ay Haweeneydaasi u dirtay Garyaqaankeeda, Geroge Newhouse, laguna soo dabacay Warbaahinta Australia ayey ku sheegtay inay Dowladda Australia ay si khasab ah u soo masaafuriyeen maalintii Jimcaha ee la soo dhaafay, iyadoo aan la kulmin Dhakhaatiirta si ay ilmaha uga soo xaaqaan.

Abyan oo 23-jir ah waxay qoraalkeeda ku sheegtay inay Kalkaaliso kula kulantay Xarunta lagu hayo Muhaajiriinta ee Villawood, balse aysan arkin wax Dhakhaatiir ah oo ka soo xaaqo uurka.

Waxay intaasi ku dartay inay haatan noqotay qof aan moral ahaan iyo jir ahaan caafimaad qabin.

Dhinaca kale, Wasiirka Socdaalka ee dalka Australia, Peter Dutton  ayaa gaashaanka ku dhuftay in Haweeneydaasi si khasab ah loogu celiyey Jesiiradda Nauru.

Xigasho: Radio New Zealand

© Radio Dalsan ABYAN AUSTRALIA

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor