Haweeney Somali oo ay xabbadi naafeysay oo Tahriib ku gaartay dalka Giriigga

Jesiiradaha dalka Giriigga ee kaabiga ku haysa dalka Turkiga ayaa noqotay waddada ay Kumanaan Tahriibayaal soo qaxay ay uga soo gudbaan dalalka Europe.

Jesiiradda Lesvos ee Waqooyiga Giriigga ee loo dalxiis tago ayeyna doonyaha ay Tahriibayaasha ka soo raacaan Badda Turkiga ku soo xirtaan.

Tahriibe kasta waxa uu bixiyaa lacag dhan  Kun Euro ( €1,000), si loogu soo gudbiyo Jesiiradda Lesvos.

Toddobaadkii hore, nasiib wanaag dooni watay 75 Tahriibayaal badankooda u kala dhashay dalalka Somalia, Pakistan iyo Afganistan ayaa si nabad ah ku gaaray Jesiiradaasi.

Haween Soomaaliyeed oo magaceeda lagu soo koobay Rayaan oo 30 jir ayaa ka mid ahayd Tahriibayaashaasi, waxaana lagu waday gaari-gacan markii ay doonida ka soo degtay.

Waxay sheegtay in dhabarka laga toogtay 15 sanno ka hor, taasi oo keentay inay socodka gabto, oo lagu kaxeeyo gaari-gacan.

Waxay sheegtay inay doonayso inay u sii ambabaxdo dalka Jarmalka si ay daaweyn ama qaliin ugu hesho xabbadda dhabarka kaga jirta.

Tahriibayaasha gaara Jesiiraddaha Giriiga, waxaa la sheegaa in la dejiyo Xero Qaxooti, balse, Tahriibayaasha ay haweeneydaasi ku jirto ma helin gaadiid ay ku gaaraan Xeradda.

Waxaa la sheegay inay lugeeyeen masaafo dhan 65-KM si ay u gaaran Xeradda lagu hayo Thariibayaasha.

Dhowr  bilood ama ilaa 18 bilood ayey ku qaadataa inay Tahriibayaasha heleen Warqadaha Deganaanshaha KMG, tan iyo inta looga oggolaanayo inay sii wataan Tahriibka ay ku doonayaan inay ku tagaan dalalka kale ee ku yaalla Galbeedka Yurub, gaar ahaan dalalka Swedenm Germany iyo Norway.

Xigasho: .irishtimes.com

 

@ Warqabadka Dalsan

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor