Haweeney Somali-Maraykan si sharci-darro u xirnayd 6 sanno oo codsatay magdhow Lacageed

Xamdi Cali Cusman oo 26 jir ah ayaa ka codsatay Maamulka magaalladda Saint Paul ee Gobalka Minnesota in la siiyo magdhow lacageed, kadib, markii si sharci-darro ah u xirnayd muddo 6 sanno ah.

Xamdi Cali Cusmaan waxaa la xiray iyadoo 20-jir ah, kadib, markii iyada iyo 28 rag iyo haween leh la xiray sannadkii 2010-kii, kadib, markii ay Boliska kaga shakiyeen inay Haweenka jirkooda iibiya u kala gudbin jireen magaallooyinka Saint Paul iyo Tennessee.

Waxay sheegtay inkastoo uu dambigaasi ahaa mid khatar ah, inay ogayd inaysan wax dembi ah lahayn, oo Kiiskaasi looga been abuuray.

Xamdi Cali Cusmaan oo la sii daayey 3 isbuuc ka hor, waxay dacwadda ku soo oogtay Sarkaal ka tirsan Boliska Saint Paul iyo Maamulka Magaalladda, kadib, markii ay 4 sanno ku soo qaadatay Xabsiga Federalka iyo 2-sanno oo lagu hayey Ilaaladda Elektoroonikadda ah.

Dhinaca kale, Maamulka Boliska iyo kan Degmadda wey ka gaabsadeen inay ka hadlaan Kiiskaasi, kana jawaabaan Dacwadaha lagu soo celiyey.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor